![]() |
| Somali Fashion |
Diraca caanka ay ku yihiin hablaha Soomaaliyeed ayaa laga dhigay Fashion cusub kadib markii gabar lagu magacabo Isir ay keentay fikir cusub oo ah in Dirac Gabdhaha Soomaaliyeed ay xirtaan laga dhigo Fashion aduunka dhan laga qaato loona tolo qaabka saakooyinka ay xirtaan dumarka aduunka caanka ka ah.
Maanta ayaa lagu soo bandhigay xarunta dhanaqanka iyo hidaha Jabuuti gabdho xiran oo xayaysiinayo Dirac Gabdhaha Soomaaliyeed ay caanka ku yihiin kuwaaso loo tolay hab casri ah oo la jaan qaadi karo habka labiska dunida.
Dumar badan oo Soomaali ah ayaa isla markiiba soo dhaweyay Diracaan Fashiyoonka loo tolay iyagoo isla markiiba dalbaday in loo habeeyo qaabkaan cusub si ay Arooska ugu Horeeyo ugu soo qarxiyaan.
Haddaba Akhristayaal Diracaan ma is dhihi kartaan waa hab ka fiican habkii hore ay u talan jirayn dumarka Sooomaaliyed, kaas oo ahaa in loo talo sida isku dayska ah.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
