Beyonce oo ninkeeda Jay- Z' hadiyad ahaan u siisay saacad joogta 4 malyuun oo dollar

Friday, December 14, 20120 comments


Fanaanada lagu naaniiso boqorada heesaha Popka ee Beyonce ayaa ninkeeda Jay-Z hadiyad uga dhigtay dabaal degga dhalashadiisa 43-aad saacad ku fadhida aduun dhan 4-muilyan oo yuuro, waxaana saacadu ka sameysantahay dhayman.

Waxay xustay idaacad ka faaloota arimaha fanka oo laga leeyahay Faransiiska, in Jay Z' in badan la cajabay saacadda, waxaana la ogsoonyahay in Beyonce ay haray ugu hadiyaysay ninkeeda Diyaarad jooga 30-milyan sanadki hore.

Labadaan lamaane waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin labada ugu caansan fanka lamaanaha ah, sidoo kale Beyonce ayaa horay ugu hadiyaysay ninkeeda Z faraanti qaali ah oo ku fadhiya 1000-$ iyo Gaari jooga 2-milyan$.

Dhinaca kale Jay Z ayaa ku bixiyay gacalisadiisa 600-kun$ isagoo ugu iibiyay Faras yar oo dahab kasameysan, waxaa kale uu siiyay boorso joogta 350-kun oo dolar, 2010, isagoo isla sanadkaas dhalashadeeda hadiyad uga dhigay Jaziirad qiimeheedu yahay 20-milyan oo doolar. Lamaane is jecel lacagna heysta iga dheh.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog