Diyaar garow ballaaran ayaa loogu jiraa munaasabada lagu xusayo sanad guurada 69aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidamada Booliska Soomaaliyed, iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay.
Munaasabadan ayaa noqoneysa tii u horeysay oo ay ka qeyb galaan madaxda dowladda Soomaaliya, tan iyo markii is bedelka dhinaca hogaanka uu dalka ka dhacay, waxaana ammaanka magaalada uu yahay mid si aad ah loo adkeeyay.
Wararka ayaa sheegaya in munaasabada ay saaka ka dhici doonto Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Kaahiye (Ex School Polizio), halkaasoo ay Ciidamada Booliska fantasiyo ballaaran ka wadaan.
Xarunta School Polizio ayaa waxaa goor dhow gaaray Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, Wasiirada Arrimaha gudaha iyo gaashaandhiga, kuwaasoo haatan salaan sharaf ka qaadanaya cutubyo ka tirsan Booliska.
Wariyeyaal lagu marti qaaday munaasabada oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee warbaahinta ayaa soo sheegaya in qaban qaabada munaasabada ay ka duwan tahay kuwii hore, isla markaana ammaanka uu yahay mid aad loo adkeeyay.
Munaasabadan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo ciidamada booliska ay heleen tababaro kala duwan, kuwaasoo qaarkood loo qaaday dalka Turkiga, waxaana munaasabada sanad guurada ciidamada booliska 20-ka December sanadkan uu noqonaya kii u horeeyay ee la xuso markii la doortay Madaxda cusub ee dowladda Soomaaliya.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
