Daawo Sawirada "Is bedel dhinaca ammaanka oo laga dareemayo magaalada Dhuusa Mareeb"

Thursday, December 20, 20120 comments



Is bedel dhinaca ammaanka ayaa laga dareemayaa magaalada xarunta u ah Gobolka Galgaduud ee Dhuusa Mareeb, halkaasoo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca oo dhowaan ku biiray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciidamada ayaa howl galo lagu sugayo ammaanka ka wada gudaha iyo daafaha magaalada, iyadoo saraakiisha ciidamada ay kulamo joogto ah la qaataan qeybaha kala duwan ee bulshada, sida odayaasha, haweenka, culumaa'udiinka iyo dhalinyarada.

Madaxa ammaanka Ahlusuna Farxaan Macalin Cali ayaa sheegay in ammaanka Dhuusa Mareeb iyo deegaanada ku dhow dhow ay yihiin kuwo la isku haleyn karo, isla markaana qeybaha bulshada deegaanka ay gacan ku siiyaan sugida ammaanka.

"Ammaanka waa sugan yahay, waana la isku haleyn karaa, ciidamada habeen iyo maalin waxay u taagan yihiin inay ammaanka sugaan, waxaan ka codsanayenaa shacabka inay mar walba gacan nagu siiyaan"ayuu yiri Farxaan Macalin Cali.

Mr farxaan ayaa sheegay in wadooyin ka mid ah deegaanada ay go'an yihiin sida deegaanka Ceel Garas, waxaana uu xusay in dhowaan ay isku furi doonaan wadooyinka xiran, degmooyinka ay gacanta ku hayaan Shabaab ay kala wareegi doonaan.

Wariyeyaal ka socday Wakaaladaha wararka oo dhowaan booqday Dhuusa Mareeb iyo deegaanka Mareergur ayaa sheegay in amaanka uu yahay mid wanaagsan, isla markaana ciidamada ay bar koontarool ku leeyihiin daafaha magaalada iyo gudaha oo ay gaadiidka dagaalka ku gaaf wareegaan.

1-dii bishii May ee sanadkan ayay aheyd markii qof waxyaabaha qarxa soo xirtay uu isku qarxiyay baar ay fadhiyeen Siyaasiyiin iyo Xildhibaano booqasho ku tagay Gobolada Dhexe, iyadoo weerarkaas ay ku dhinteen labo xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii hore, isla markaana uu ku dhaawacmay Siyaasiga Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan.

Si kastaba ha ahaatee bishii Marso ee sanadkan ayaa ugu dambeysay weerar ay Al-Shabaab ku qaadaan magaalada Dhuusa Mareeb, iyagoo xilliyada casir liiqii soo weerari jiray, isla markaana dib uga laabanayay.


























_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog