FIFA oo diiday in ay aqoonsato taariikhda Messi

Saturday, December 15, 20120 comments




Fifa ayaa si cad u diiday in ay ku lug yeelato dooda ka taagan ciyaaryahanka heysta record-ka goolasha ugu badan ee hal sano gudaheed la dhaliyo.

Diidmadaasi ayaa soo baxday markii saxaafada adduunku ay tabiyeen in Lionel Messi uu yahay ninka ugu goolasha badan adduunka sanadka 2012, isagoo record-kaasi ka qaaday xiddigii reer Germany Gerd Mueller kaasoo 40 sano ka hore record-kaasi dhigay.

Arrintaani sidoo kale waxey timid xilli xiriirka kubadda cagta  Zambia ayaa diiday sheegashada Messi iyagoo ku andacooday in Godfrey Chitalu uu yahay ninka ugu goolasha badan adduunka maadaama uu 107 gool dhaliyay sanadkii 1972.

“Fifa ma keydiso taariikhaha ka dhaca horyaaladda kala duwan ee adduunka laga ciyaaro”, sidaa waxaa BBC Sports u sheegay afhayeenka FIFA oo la yiraah  Alex Stone.

FIFA waxey sheegtay in ay keydiso oo kaliyaha waxyaabaha ka dhaca tartamada caalamiga ah oo kaliyaha laakiin aysan ku lug laheyn waxyaabo kale, sidaa dartee aysan cadeyn karin cida heysata record goolasha adduunka.

Stone wuxuu xaqiijiyay in Fifa aysan aqoonsaneyn taariikhda uu sameeyay Messi.
Sunni Said Salah







xigasho ciyaaro
_______________________________

Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog