Waxaan qiyaasayaa inay idin haysato is faham darro oo aydaan adiga iyo odaygaagu ka sheekaysan arrimhagalmada.
Uguna wacan tahay kala xishood dhexdiina ah. Adigu ma sheegan kartid sidaad rabto, isaguna kuma weydiin karo ee dantiisuu fushada (ku-dhufoo-ka dhaqaaq), Kumabana oga dhibka ku haysta. Sidaas darteed qofka dhibbani waa adiga. Xalkuna ma aha furriin.
Haddaad iska furto ma ogtahay intey kugu qaadan doonto inaad nin kale guursato (Ha iska dhaadhicinin berribaan helayaa). Haddiise aadba berriba hesho ma hubtaa inaad ka heleyso sidaad jeceshahay. Sow lagama yaabo inuu kan ka sii xumaado. Waxan kugula talinayaa inaad adigu tallaabo geesinimo qaado, oo aad adoon hal mar ku boodin, si tartiib tartiib ah ninkaaga u billowda inaad la sheekeysato. Kolley waad xishonaysaa ee ka billow sheekada arrimaha guud, ka dibna hoos ugu soo deg mowduuca galmada. Isu fur fur ninkaaga.
Markaad hawsha samayneysaanna haddaad hadalka ka xishoonayso soo qabo gacantiisa ee meeshaad jeceshahay u saar wuu fahmiye.
Wax walba maalinbaa la billaabaa ee billow inaad geesinimo iska raadiso. Waxaan kuu sheegi in raggu ku farxaan kuna raaxaystaan markay arkaan xaaskiisa oo ku qanacsan shaqaduu qabtay.
Gurigaaga ha duminin ee ka dhig mid farxad iyo as faham aad kuwada nooshihiin.
Galmadu waa qayb aad muhiim ugu ah 2da is qabta.
Waxaana kuugu filan caddeyn waatan aad adigu leedahay ma iska furaa galmadoo oo saad rabtay aadan u helin darteed. Marka waan ku dheeraaday ee xaajiga ha iska furine isu fur fur oo ka dhigo saad jeceshahay.
Arrimaha bulashada Kala soco
newbanaadir.blogspot.com