Generaal Maalin” Xaafada Gubta ayaa laga soo tuuray madaafiicdii habeen hore”

Thursday, December 6, 20120 comments


Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay hayaan kooxihii habeen hore madaafiicda ku soo tuuray qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, isla markaana uu helay raadadka meelihii Madaafiicda looga soo tuuray.

Kadib howlgal ay ciidamadu wadeen shalay ilaa xalay ayaa taliyaha Booliiska Gobolka banaadir Jen. Axmed xasan Maalin uu Warbaahinta u sheegay in xaafada Gubta oo ka tirsan degmada Dayniile ay aheyd meelihii madaafiicda laga soo tuuray.

“Xaafada Gubta ayaa madaafiicdii habeen hore laga soo tuuray, waxaana soo tuuray kooxo aan banaanka imaan karin oo dhuumanaya kana tirsan nabad diidka gacanta ayaana ku soo dhigi doonaa”ayuu yiri Jen. Maalin.

Jen Maalin oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay heleen qolofyadii madaafiicda la tuuray habeen hore, waxaana uu carrabka ku adkeeyay iney xoojindoonaan ammaanka casimadda.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog