Dhakhaatiir cafimaadka qaabilsan ayaa sheegtay in tinta oo qofka waayo ugu dambeytiina loogu yeero Bidaar aysan ku koobneen Raga oo Qura , hayeeshee haweenka ayaa iyana arinkaasi kacabanaya waxana lagu ogaday daraasad dhawaan la’sameeyay in 4tii haween ahba caalamka mid kamid ah ay tahay haweeneey Bidaar leh.
Culumada waxaa ay leeyihiin bidaartaasi haweenka asiibta iyo tan ragga waa ay kala duwan yihiin oo farqi ayaa u dhexeeya oo waxaa la’leeyahay haweenka waxaa kolka hore ku dhaca in tinta ay ka daciifto gurantana inta ay ka baaba’do si tartiib tartiib ahna dhanka hore ugu soo dhamaato.
Dhakhaatiirta Baaritaanka sameesay waxaa ay leeyihiin waxaa jira sababo kale oo tinta haweenka ka’daadiyo waxaana ka mid ah Nafaqo daro gaar ahaan xiliga Uurka, mashaakilka dhanka nafsadda iyo isticmalka dawooyinka kala duwan ee la isku qurxiyo gaar ahaan kuwa Madaxa oo Kiimikooyin fara Badan ay ka buuxaan.
Dhakhaatiirta waxa kale ee sheegeen in Dawada iyo kahor taga arinkan loo mari koro dhoor wado oo kala duwan oo ay ka mid tahay in la’isticmaalo dawo gaar ahaan tan ka hortagta in tinta ay qofka ka daadato ama bidara gasho.
Gabar ka mid ah kooxda baaritaankan sameeysay ayaa sheegeysa in gabdhuhu ay kaga hortagi karaan iyaga oo qaata raashin nafaqada ay ku badan tahay nasashadana ku dadaalaan kana fogaada in ay fikiraan iyo in ay Shaqooyinka Fikirka ku dhisan iskaga tagaan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
