Dhacdo ku cibro qaadasho mudan loogana baahan yahay in dadka
Islaamka ahi u yeeshan fiiro dheer ayaa dhawaan ka dhacdey wadanka Mareykanka,
waxay aheyd markii maxkamad ku taal gobolka dalkaasi ay go’aan ku soo saartey
in madaxda shirkaduhu shaqada ka eryi karaan haweenka ilqabadka wanaagsan leh
(Qurxoon), iyada oo taasi laga dhigay mid sharci ah.
Dimuqraadiyada waxay qabtaa in qofka shaqaalaha ah uu xaq u
leeyahay in uu shaqadiisa ku waayi karo sifooyin ku saleysan xuquuqda aadanaha,
tusaale ahaan in qofku shaqadiisa ka soo bixi waayo, in uu u dhamaado
heshiiskiisa ama in uu helo magdhow hadii shaqadiisa uu ku waayo sifo aan
sharciga waafaqsaneyn. Laakiin qisadan Dimuqraadiyada la sheegayo ka duwan ayaa
timid kadib markii nin Dhakhtar ah oo qaabilsan daaweynta cudurada Ilkaha uu
xaruntiisii ka eryey haweenay mudo 10 sano ah ka shaqeynaysay xaruntiisa,
isaga oo taasi u cuskaday in ay tahay qof qurux badan.
Melissa Nelson oo la shaqeynaysay James Knight waxay dacwadoodu gaadhey heer
maxkamadeed iyada oo James ku doodayo in Mellissa ay tahay qof qurxyx badan oo
dhar ku dhegan qaadata, isla markaana isaga iyo dadka kale ee xarunta imanayaa
ay ku sameyso masquulin. Melissa Nelson waxay ku doodayaa in hadii ay nin ahaan
laheyd ay shaqadeeda aanay waydeen, balse dumarnimada ay shaqadeeda ku wayday,
iyada oo hadalkan ka dhex sheegtey maxkamada. Laakiin James wuxu ku doodayaa in
xiItaa guurka qoyskiisa uu ku jiro khatar hadii haweenaydaasi ay la sii
shaqeyso, iyada oo maxkamada la keenay markhaati cadeynaya in sanadkii 2009-kii
James xaaskiisa ay ku aragtey telefoonka saygeeda fariimaha qoraalka ah ee ay
isdhaafsadeen Melisssa iyada oo dalbatey in haweenaydaasi uu shaqada ka saaro
hadii kale guurkoodu uu ku jiro khatar.
Layaabku wuxu ahaa markii cadeymaha maxkamada la keenay ay
noqdeen in xidhiidhka James iyo Melissa ay ahaayeen kuwo shaqada ku saleysan oo
aanay jirin xidhiidh isgaadhsiineed oo la isdhaafsadey oo ka baxsan shaqada,
arintaasi oo noqotey mid muran badan keentey. Cadeymaha maxlamada la keenay
waxay ahaayen hal fariin oo qoraal mobile ah (Text massage) oo uu James u diray
Melissa sanadkii 2009-kii wuxu ku waydiiyey su’aal la xidhiidhey dareenkeeda
sariireed, balse waxa lagu waayey cadeyn ah in ay wax jawaab ah ka siisay
qoraalkaasi. Sanadkii 2010-kii James Knight wuxu shaqada ka eryay Melissa
Nelson isaga oo u sheegay in quruxdeeda ay halis ku tahay qoyskiisa, laakiin
arintaasi haweenaydaasi umay cuntamin waxana ay dacwad maxkamadeed ku oogtey
James oo ay u shaqeynaysay, iyada oo sheegtey in si aan sharciga waafaqsaneyn
ay shaqadeedii ku wayday.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com