Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo howlgalo dad lagu qabqabtay maanta ka Sameeyay Degmooyinka Dharkenley, Wadajir iyo Dayniile

Thursday, December 27, 20120 comments



Howlgaladan oo ay ciidamada qalabka sida qeybahoodu u dhamaayeen ayaa waxaa lagu bartilmaamedsanayay kooxaha kashaqeeya falalka amni darada ah ee degmooyinka gobolka banaadir iyadoo sidoo kale loogu kuurgalayay inay jiraan kooxo si dhuumaleysi ah uqaadaya lacagaha sharci darada ah ee ay dowladdu horay ujoojisay.

goobaha ay ciidamadu ka howlgaleen ayaa waxaa kamid ah degmooyinka dharkenley,wadajir iyo dayniile waxaana Ciidamada howlgalka sameynaya uu kusoo waramayaa in ilaa hadda gacanta lagu soo dhigay ilaa 6 ruux oo hubeysan kuwaasoo iyagoo ku lebisan tuutaha ciidamada dowlada lacago sharci daro ah ka qaadayay gaadiidka dadweynaha ee isticmaalaya wadooyinka degmooyinka dharkenleey iyo wadajir.

xalay ayaa sidoo kale ciidamadu howlgalo ay ka sameeyeen degmooyinka Waaberi X/weyne iyo Hodan waxa ay kusoo qabqabteen inkabadan 15 ruux iyo 6 qori oo AK47 ah iyo bastoolado kuwaasoo xiligan gacanta ugu jira ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya iyadoo saraakiisha amaankuna ay sheegeen inay sii wadayaan howlgalada noocaan ah.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog