Haweeney Ninkii Guursadaa Siin Doonta Hal Bilyan Dollar in ka badan waa Hadii Uu...(Xog Dhab Ah)

Thursday, December 6, 20120 comments


Haweeneey Maalqabeen ah oo u dhalatay wadanka sacuudi Carabiya ayaa Balan qaaday  in Ninkii guursadaa ay siin doonto bilyan iyo Sadaxboqol iyo Sodon kun oo Doolar.

Majalada (SAYIDATII ) ee Sacuudiga ayaa Barteeda internetka ku daabacday in haweeneydaan malqabeenka ah ay ninkii Guursadaa Abaal marin ahaan u siin doonto Lacagtaasi faraha BAdan ee Gaaraysa Bilyanka iyo 330 kun ee doolar.

Haweynaydaan oo aanana Magaceeda laxusin ayaa siinaysa caruuskeeda ka soo gudbaa shuruudaheeda oo ay ugu wayntahay in uu Gurigeda Gaarka ah ku guursadaa, shuruudahana waxaa ay hor dhigi doontaa cidii soo doonata.

Maalqabeenadaan oo 33 jir ah ayaa dagan Magaalada Jidah ee Bokhortooyada Sacuudiga, waxaana ay dalbadatay in ninkii danaynaya in uu Fax usoo diraa asaga oo soo raacinaya taleefankiisa gacanta si ay ula xariirto.

Majalada ayaa soo xigatay in haweeneydaan ay usheegtay in Guur ay soo martay sadax sano ka hor , sababata ay ukala tageena uu ahaa in ninkaasi uu damcay xoolaheeda, balse xiligaan aysan wax dan ah ka laheen hadii uu rabo lacagteeda iyo in kale.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog