Sxb imaamka masajidka iga ilaaali aniga oo gurigisa joogo yuuna i arkine, xabada imaamka aan rabaa (Qiso Xanuun badan)

Thursday, December 6, 20120 comments


Qisadan ayaa ka dhacday dalka waxayna ku dhacday wiil soomaali ah o la yidhaahdo Cali, hadaba qisada ayaa sidan u taala ee aqriso.

Inan la yiraahdo Ahmed ayaa saaxiibkiis Ali u sheegay inuu bartay xaaska Imaamka Masaajid u dhowaa. waxay ahaayeen saaxiibo aan ALLE ka cabsan oo xumaan ku saaxiba. Wuxuu ku yiri Ahmed sxbkiisa Ali ” sxb qoftaas ayaan gurigeeda ugu tagaa, balse mar kasta waxaan ka cabsadaa in ninkeeda oo ah Imamka masjidka uu igu qabto inaa gurigiisa ku jira oo qoftiisa la fara ciyaaraya. marka maxay kula tahay sxb markii uu salaada dadka tujiyo hadaad u sheekeysid intaan danteyda ka dhameysanayo, haduu soo baxana isoo wacdid, si aan meesha uga fakado intuusan igu iman”.

” ok sxb” ayuu yiri Ali kadibna masaajidka ayuu hore ka aaday. kadib Imamkii salaadii markuu dadkii tujiyey ayuu sheeko u qabtay. maalin kasta diinta ayuu wax ka weydiin jiray, isagoo iska dhigaya nin raba inuu wax faa’iideysto. Imaamku markuu baxayana sxbkiis ayuu wacaa oo uu ku yiraah waa soo baxay. kadibna wuu uga sheekeyn jiray wuxuu soo sameeyo maalin kasta.
Waxay she ekadu sidaa ku socotaba Ali wuxuu sxb la noqday oo sheekadii isugu baxday Imamkii, wuxuuna bilaabay inuu fekero oo uu denbi dareemo.
Maalintii danbe wuxuu go’aansaday markuu mudo is celcelinayey inuu u sheego Imaamka waxa jira wuxuna u sheegay iimaamkii inuusan masaajidka ALLE ka cabsi usoo aadin iyo weliba inuu ujeedadiisu aheyd inuu u sheekeeyo inta sxbkiis ku maqan yahay Imaamka Marwadiisa.

Imaamkii wuxuu ku jawaabay, Caliyoo nin yohow xaas ma lihi”. hadaba halkeebay idinla tahay inuu Ahmed aadi jiray? jawaabta ayaa ah Ahmed wuxuu aadi jiray xaaska sxbkiis Ali.

CADOWGAAGA HAL MAR ISKA JIR, SXBKAAGA XUNA KUN MAR ISKA JIR
micnaheena ama ujeedka qisada ma aha laba walboo sxbo ah wanag ku wada sxbo in aad iska jirtid ama aad iska ilaalisid wey jiraan dad wanagsan ilaahey dartiise kuwada sxbo, waxaan maqlijiray aniga oo yar labadii baadil ku heshiiso xaq ayey ku diriraan ? taasi waa dhab waxaana idin cadeeneyso qisadaan hada aan kor kusoo xusnay.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog