Cilmi-baarayaal Caafimaad oo ka tirsan Jaamacadda “University of Western Australia” ee dalka Australia, ayaa daaha ka rogay khatarta ay u nugul yihiin Haweenka Naasaha waa weyn leh, kuwaasi oo cabirka naasahooda lala barbar dhigi karo cajalladaha waa weyn ee Filimaadka lagu daawado ee Video-ga.
Sida lagu shaaciyey Wargeyska ka faallooda Arrimaha Caafimaadka ee “Joural Elsevier” ee ka soo baxa magaalladda Sydney ee dalka Australia, ayaa lagu sheegay in Cilmi-baarayaal ka kala socday Jaamacadda “University of Western Australia” iyo Machadka Breast Screen ee WA, ay dhawaan shaaciyeen inay Dumarka Australia khatar u yihiin inuu ku dhaco Cuddurka Kansarka Naasaha.
Khubarraddu waxay Warbixintooda ku xuseen inay baaritaanno ku sameeyeen 760,000 oo Haween Australian, kuwaasi oo ay ku jireen 55,000 oo Haweenka Naasaha Waa Weyn leh.
Warbixinta waxaa lagu xusay in Haweenka baaritaanka lagu sameeyey ay da’dooda isugu jirtay kuwa 40-jirro ah iyo kuwo ay da’doodu ka sarreysay 70-jirro, iyadoo Baaritaankaasi lagu ogaaday inay Haweenka naasaha waa weyn leh iyo kuwa Qaliinka isaga sameeya Naasaha u nugul yihiin inuu ku dhaco Cuddurka Kansarka Naasaha.
Prof. Liz Wylie oo ka mid ah Cilmi-baarayaasha hawshaasi waday, ayaa u sheegay Website-ka : www.news.com.au
Big breasts bring cancer closer inuu cuddurka Kansarka Naasaha yahay Kansarka Labaad ee dhimashadda keena.
Cilmi-baaristan, ayaa ka digtay inay sii kordhayan tiradda Haw eenka Reer Australia ee uu ku dhacayo Cuddurka Kansarka Naasaha, waxaana la tilmaamay in Haweenka Naasaha waa weyn uu ku badanayo dhuumaha yaryar ee dheecaan-wadayaasha ee Xubinta horraadka Naasaha.
Haweenka iyaga qaliinka isaga sameeya Naasaha, si ay u weyneeyaan ama u yareeyaan naasahooda ayaa si gaar ah loogu xusay Cilmi-baarista inay khatar ugu jiraan inuu ku dhaco Kansarka Naasaha.
Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in haweenka naasaha weyn ee ku dhaqan dalka Australia la ogaaday inuu naasahooda ku cabir yihiin Cajalladaha Waa Weyn ee Filimadda Video-ga lagu fiirsado, kuwaasi oo cabirraddooda kala yahay 10 x 24cm iyo 24 x 30cm, waa sida lagu xusay Warbxiinta lagu daabacay Wargeyska Journal Elsevier ee ka soo baxa dalka Australia.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com