Siyaasiyiin ka caan ka ah maamulka Somaliland ayaa shalay laga celiyey garoonka dayuuradaha ee magaaladda Berbera iyaga oo xiligaas ku sii jeeday magaaladda Muqdisho ee caasimadda jamhuuriyadda Soomaaliya.
Siyiisiyiintan ayaa waxa ay kala ahaayeen wasiirkii hore ee ciyaaraha ee Somaliland Maxamed Siciid Muxumed iyo cabdiraxmaan Cabdulqaadir oo ahaan jiray gudoomiye ku xigeenkii xisbiga Kulmiye ayaa laanta socdaalka Somaliland ay ka hor istaageen socdaalkooda kuwaas oo u diiday inay dayuuradda raacaan.
Wasiirkii hore ee ciyaaraha ee Somaliland ayaa mar uu warbaahinta la hadlayey waxa uu sheegay in safarkoodu aanu ahayn mid qarsoodi ah oo ay ku wargeliyeen madaxweynaha somaliland Siilaanyo iyo wasiirka madaxtooyadda ee maamulkaasi isagoo halkaa ku soo bandhigay warqad uu u qoray.
Siyaasigan ayaa waxa uu sheegay in ujeedka socdaalkiisu uu ahaa inuu iska soo iibiyo hanti ma guurto ah oo ugu taala koonfurta Soomaaliya.
Mudooyinkan waxaa soo badanaya siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka caanka ah ee Somaliland ee ku sii qulqulaya Muqdisho iyagoo halkaa u tagaya ujeedooyin kala duwan waxaana ka mid ah qaar jagooyin ka doonanaya dowladda federaalka Soomaaliya.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com