Tabaare Jose Mourinho ayaa qirtay in ayna Real Madrid inta badan fursad u laheyn xilli ciyaareedkan in ay difaacato horyaalka La Liga ka dib markii barbaro 2-2 ah ay kala kulmeen kooxda Espanyol ciyaar habeenkii Isniinta ka dhacday garoonka Bernabeu. Kooxda caasimada ka dhisan ayaa goolka barbaraha waxa daqiiqadii 88aad ka dhaliyay Juan Albin, taas oo la micno ah in ay 13 dhibcood ka danbayso kooxda hogaanka heysa ee Barcelona oo kulankeedii ugu danbeeyay afargool ku jiidhay kooxda Atletico Madrid. “Waxan qabaa in ku guuleysashada horyaalka ayna inta badan macquul noo aheyn, laakiin waa in aan si fiican u ciyaarnaa, sababta oo ah hadii aan hormar ka sameyno La Liga waxan horumar ka sameyn doonaa Champions League-ga” ayuu Mourinho ku sheegay shirkii jaraa’id ee uu qabtay ciyaarta ka dib. “Uma fiicnin sidii hore.
Ma heysano kalsoonidii hore, waxanu ku dhibtooneynaa in aan goolal badan dhalino sidii sanadkii hore. Xaaladan oo kale waligey maan gelin, laakiin awood la’aani ima heyso. “Waxan sii wadi doonaa in aan u dagaalano horyaalka, inkasta oo ay u muuqato in ayna macquul aheyn, sababta oo ah kooxdani waa Real Madrid. Qof walba waa in uu u istaagaa hamigiisa, sharaftiisa shaqsiyadeed iyo magaca Real Madrid.” Mourinho ayaa sidoo kale ka hadlay qaab ciyaareedka Luka Modric, oo la bedelay xilligii nasashada inkasta oo uu kubad birta ku dhuftay qeybtii hore. “Modric ciyaar xun muu ciyaareynin, laakiin waxan u bedelay go’aan xaga istiraatiijiyada ah. Waan ka qoomameeyay in aan bedalo madaama uu shaqo fiican qabanayay.”
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
