Isku aadka koobka horyaaliina yurub oo la sameeyay iyadoo qoorta la isu geliyey Real Madrid iyo Man united halka AC milan iyo Barcelona ay igana is arki doonaan

Friday, December 21, 20120 comments


Kulamo xiiso leh ayaa ka soo baxay isku aadka wareega 16ka ee Champions League oo ka dhacay Nyon Switzerland, iyadoo kooxo waa weyn ay qoorta la isu geliyey.

Kulamada ilqabatinka leh waxaa ka mid ah Real madrid iyo Manchester united oo isku haleeli doona wareega 16ka ee koobka horyaaliinta yurub ee champoins league halka, labadaan kooxood ayaan aheyn kuwa isku cusub, iyadoo sidoo kale arimaha xiisaha gaarka ah leh ee kulamada labada koox ay ka mid yihiin Ciyaaryahanka ugu qaalisan caalamka C.Ronaldo oo booqan doona gurigiisii hore ee Old trafford isagoo hore ugu soo ciyaaray kooxda shayaadiinta cas-cas lix sanno kagadaal markii ay kalasoo wareegeen kooxda sporting lisbon ee dalka portugal.

Dhanka kale kooxaha AC milan iyo Barcelona ayaa iyaguna isku arki doona isla wareegaan iyadoo kulamada ay cayaarayaan noqonayaan kuwa ka mid ah kuwa ka tilmaaman koobkan waxaana ay hore isu soo arkeen labadan kooxood 15 jeer.

Kooxda Arsenal ayaa waxa ay isku soo aadeen kooxdii finalka ka gaartay koobkaan sannadkii hore ee Bayern Munich kulankaasoo isna ah kulan xiiso iyo xamaasad leh.

Waxaa markii ugu horeysay tartankaan isku arkaya kooxaha Valencia iyo Paris Saint-Germain, si la mid ah waxaa markii ugu horeysay iyagana tartankaan isku wajahaya Porto iyo Malaga.

Kooxaha Celtic iyo Juventus ayaa iyagana qoorta isku geli doona, halka Galatasaray iyo Schalke ay iyagana isku dhegi doonaan.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog