Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay Afar Dekadood oo waaweyn iyo garoomo, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Dekadda Berbera, Boosaaso, Muqdisho iyo Kismaayo, isla markaana ay yihiin hanti qaran oo aysan jirin maamul goboleed gaar ah ama deegaan gaar ah oo sheegan kara.
Soomaaliya Afar Dekadood oo waaweyn ayey qabtaa, waa Berbera, Boosaaso, Muqdisho iyo Kismaayo, Berbera iyo Boosaaso xaalkooda waa garaneysaa, yacni Dowladda Federaalka hada tallo badan kuma laha, Muqdisho waxaa loogu kulansan yahay waa meesha kaliya ee dowladda gacanta ku hayso, Kismaayana hadey gacanta soo gashay iyadana maamulkeeda waa la sameyn doonaa, sida axdiga qaranka tilmaamayana waxaasi waa hanti qaran, deegaan iskama laha iyo dowlad goboleedna ma lahan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh,Wuxuuna sheegay Madaxweynaha in aysan jirin xumaan balse ay jirto daruufo gaar ah, waxa Dowladda Soomaaliya ay u taagan tahayna ay tahay in la xaliyo wixii jiro.
Wax Xumaan ah oo jira ma lahan, daruufo kaliya ayaa jira, Dowladdana waxay u taagan tahay in la xaliyo wixii jiro, maanta waxaan haysanaa isticmaaleynaa, dekadda Muqdishaa haysanaa wixii ka yimaadaana isticmaaleynaa, beri markaan Kismaayo helno iyadaa isticmaaleynaa, Boosaaso iyo Berbera markaan helno waxooda dowladda dhexe wixii ay ku leedahay wey ka qaadan doontaa” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha oo wareysi siinayay TV-ga Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xigasho Allbanaadir
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
