Allaha u naxariistee waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday wasiirkii ugu horeeyay ee maaliyadda Soomaaliya, ahaana nin maalqabeen ah Cusmaan Axmed Rooble.
Cusmaan Axmed Rooble wuxuu sanadihii dambe marxuumku deganaa magaalada London, wuxaana la sheegay in uu u geeriyooday xanuun dhinaca kilyaha ah oo mudooyinkaanba uu la xanuunsanayay.
Meydka Marxuun Cusmaan Axmed Rooble ayaa lagu wadaa in loo soo duuliyo Muqdisho si loogu aaso
Marxuumka , wuxuu ahaa wasiirkii ugu horeeyay ee Maaliyadda Soomaaliya, xilligii dowladdii madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya Aadan C/lle Cusmaan (Aadan Cadde). Waxaana si weyn looga yiqiin magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Allaha u naxariistee Marxuum Cismaan Axmed Rooble waxaa uu lahaa Labo Shineemo oo magaalada Muqdisho si weyn loogaga daawan jirey Aflaamta kala duwan kuwaas oo kala ahaa Shineemo Afrika iyo shineemo Muqdisho.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
