Maxaa Ka Taqaan Fanaanada Loogu Necebyahay Fanka Soomaliyeed

Monday, December 17, 20120 comments


Waxa la yaab ku ahayn fanka Soomaliyeed in fanaan cusub waqti yar uga soo dhex muuqdo fanka, fanaan aad loo yiqiina uu ka libdho.Ma ahan wax ku cusub oo sida la wada ogyahey waxa masraxa in dhaweyto laga waayay fanaaniin aad loo jeclaa sida Lafoole, Kaskey iyo fanaaniin kalo badan. Hadaba halka fanaanintaan aadka loogu xiisay maqnaanshahooda, waxa jira fanaaniin aad bulshada loogu necebyahey waxana hogaamisa fanaaniintaasi Shukri Sindiko. 

Ma ahan oo kaliya Shukri ineysan laheyn taageere soo dhaweya balse waxey isku biirsatay dad had iyo goor kasoo horjeeda oo faalo aan wanagsaneyn ka bixiya heesaheeda iyo muuqaalkedaba. Hadaba waa maxay sababta Shukri lugu nacay oo ey kaga duwantahay fanaaninta kale? 

Ka dib markan la sheekeystay dadka indha-indheya fanka Soomaliyeed ayaa isku raacay in Shukri ey labo siyaabood ku muteysatay necbaansho.
 

1. Shukri waxey gacmaha la gashay arimo laba fanaan ka dhaxeeyo kuwaaso kala ahaa (Ikraan Caraale iyo Falis Cabdi) iyadoo fanka Soomaaliyeed wax aan looga baran u isticmaashey taas oo ah iney hees ey ku tageereeso Ikraan Caraale soo saartay. Heestaas oo aad loogu necbaaday halkaas ayena ku weeyday tageeraheeshi ugu badnaa.
 

2. Shukri ma ahan qof u taba-baran ama heybad u leh iney heesto, waxey kaga fiicnaan laheyd iney noqoto jatariisho waxana laga yaba iney tageere badan ku kasbato.

Ugu danbeenii mar aan la kulmay shukri asaxabtayda waxay ii sheegayn in shugi tahay qof aad u saxiibtinimo fiican lehna soo dhaweyn wanagsan hadaba haday saas tahay maxaa ka qaldan ayaad isleedahay akhriste.


xigasho: filmsheeg.com













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog