Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo sedex ah oo caawa ka dhacay xaafada ay Soomaalida degan tahay ee magaalada Nairobi.
Sedex ruux ayaa lasoo sheegayaa inay ku dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay baar ama Club kuyaal meel aan ka dheereyn masjidka AlHidaaya ee xaafada Islii.
Goob jooge ayaa sheegay in bambooyin lagu weeraray goob Club ah oo kutaal halka loo yaqaan Ushrika oo ku dhow dhinaca Juja Road ee xaafada Islii,
Dadka dhaawaca ah ayaa isbitaalka loo qaaday iyadoo goobta qaraxa uu ka dhacay ay isku gadaameen ciidamada amaanka dalka Kenya.
Xaalada xaafada Islii ayaa caawa ah mid Allow Sahal ah, iyadoona ay dadka wadnaha farta ku hayaan maadaama xiliyada qaraxyada ay dhacaan la sameeyo howlgalo dad badan lagu raafo.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in uu jiro karo qasaaro badan oo ka dhashay qaraxan ka dhacay xaafada islii, iyadoo qaraxan uu qeyb ka yahay qaraxyo ka dhaca xaafada.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
