Mike Tyson: "Waxaan ahay Nin rag ah, waana Been in aan Naag isu beddelay"

Wednesday, December 19, 20120 comments


Feeryahankii hore ee Horyaalka Miisaanka culus ee Dunida Mike Tyson ayaa si kulul u beeniyay warar ay saxaafaddu faafisay oo sheegayay in lagu sameeyay Qalliin lagu guuleystay oo looga dhigayay Dheddig/Naag.

Websiteyo badan oo u badan kuwo laga leeyahay Africa sida “SpyGhana”, ‘The Standard-Zimbabwe’, ‘Watchdog – Zambia’ iyo ‘NewsBiscuit Story’ ayaa qoray in Mike Tyson lagu sameeyay Qalliin loogu yeelay Naaso, Xaniinyaha (Qoorahana) laga saaray, Xubinta taranka Dumarkana loo yeelay.

“War anigu weli Nin dhameystiran ayaan ahay, mana jirto sabab aan Dheddig isaga dhigayo” ayuu si kulul u yiri Tyson oo 46-jir ah.

“Wararkaasi markay soo baxayeen waxaan daawanayay Ciyaartii Feerka ee u dhexeysay Pacquiao iyo Marquez Sabtidii, Wararkaasina been keliya ma ahane waa kuwo aan la aqbali karin oo Nacasnimo ah, qofkii shaki ku jirana waxaan leeyahay si fiican ha ii fiiriyo isagaa arkaaya in aan Nin ahay” ayuu sii raaciyay Tyson.

Wararkaasi Tyson uu ku tilmamaay Dacaayadda ayaa qaarkood sheegayay in Tyson lagu sameeyay qalliin qaatay 16-saacadood, taasoo markii dambe laga dhigay Dheddig, magiciisii ahaa Tyson-na uu iska beddelay, lana baxay Michelle.

Duulaanka saxaafaddaha Reer Galbeedku ku qaadaan Tyson ayaa ahaa kuwo soo jireen ah tan iyo markii xidiggani uu horraantii Sagaashameeyadii uu ku dhawaaqay in uu qaatay Diinta Islaamka, magiciisiina u beddelay Maalik Cabdulcasiis, waxaana dhowr jeer Tyson uu soo booqday Dhulalka Barakeysan ee Makah iyo Madiina.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog