Jamaal Axmed Barrow oo u magacaaban ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, laguna sheegay in uu kasoo jeedo qabiilka Jiido ayaa waxaa si aad ah uga soo hor jeestay magacaabistiisa waxgaradka, Xildhibaanada iyo waliba dhamaan dadyowga ku jira Xeyndaabka Jiido.
Xildhibaan Sayid Cali Cabdulqaadir Macalim oo kasoo jeeda qabiilka Jiido ayaa waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka Sheegaya in Jamaal Axmed Barrow uu metelo Jiido, waxa uuna intaa ku daray in dadkii keensaday booskaasi ay Jiido godob kagaleen.
“Jamaal Axmed Barrow ma ahan Jiido, waxa uu xogheyn u ahaan jiray Xisbiga PDP, sidaas ayaana lagu siiyay kursiga, innagu hadii aan Jiido nahay dowlada waa karabnaa kursigeenna, cidii ay jeceshahay wax wey siisan kartaa hasa yeeshee kursigeenna in ay ku qanciso kama yeeleyno”, sidaa waxaa yiri Xildhibaan Sayid Cali Cabdulqaadir Macalim.
Waxa uu intaa sii raciayay xildhibaanku in madaxda dalka laga doonayo in ay cadaalada wax ku xaliyaan ee aysan qabiilada xuquuqdooda ku tuman iyaguna nin tooxsi aysan ku magacaabin cidii ay doonaan.
Hadalka Xildhibaan Sayid Cali Cabdulqaadir Macalim ee uu uga soo horjeedo in Jamaal Axmed Barrow Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibada, Soomaliya uu metelo beesha Jiido ayaa waxa uu imaanayaa xilli ay isi soo tarayaan cabashada ka imaaneysa beelaha Soomaaliyeed ee dhaliishan qaabka lagu soo xulay wasiirra ku xigeennada iyo wasiiru dowlayaasha.
Maalin kahor waxa is casilay Abuukar Xasan Cali oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaarada maaliyada iyo qorsheenta xukuumada Soomaaliya isaga oo ku sababeeyay iscasilaadiisa cadaalad darro dhanka dowlada katimid oo beshiisu ay u dulqadan weyday.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
