Fanaaniinta Kunool North America Ayaa Qaab Qabiil Ugu Kala Qeybsamay Juba Iyo Cigaal

Monday, December 17, 20120 comments


Qaar ka mid ah fanaaniinta magaalada Minnesota ayaa si weyn isugu qilaafay arinta ku sabsan cidii qaban lahayd showga sanadka cusub iyagoo kala tageeray labada fanaan ee kala ah juba iyo cigaal.

Dadka ku nool magaalada Minnesota ayaa sheegay in ay ku jah wareersanyihiin cidii qaban lahayd showga sanadka cusub iyagoo la yaban is barbaryaca ka socda magaalada malmahaan gaar ahaan arinta ku sabsan in fananiinta ay ku kala tageerayaan labada fanaan qaab qabiil ah. 

Sidoo kale dadka ayaa sheegay in ay ogaayeen awal in uu showga qabanaayo Fanaanka C/Qaadir  Juba  walibana ay sii gateen kararka xaflada ay ku gali lahayeen

Qabanqabiyaasha Xaflada Juba ayaa ku eedayay qaar ka mid ah fananiinta in ay wadaan fidno iyo kala qaybsanaan fananiinta ah iyagoo ku eedayay in qaab fowda ah u soo dhajayeen xaflad kale oo ay ku sheegayn in uu qabnaayo fanaanka weyn ee Ahmed Cali Cigaal Dhanka kale qabanqabiyaasha xaflada Ahmed Cali Cigaal ayaa dhankooda ku jawabay in ay tahay magaalada Minnesota meel weyn qofkastana uu dhanka uu rabo xaflad uga qabsan karo dadkane xafladay rabaan ay aadi karaan.

Horay Fanaaniinta North America waxaa lagu tilmaami jiray fanaaniin isku duuban oo hal dhinac u wada socdo balse arintaan ayaa muujinayso in aysan waxba dhaamin fanaaniinta yurub oo lagu tilmaamo fanaaniin aan isku duubneen.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog