Sagaalka Sababood Furriinka Keeni Kara

Sunday, December 23, 20120 comments


1- hantijacayl, haddii ruuxa uu bakhayl yahay oo uuna  rabin inuu keeno waxa loo baahan yahay ee guriga ku saabsan, middaas waxay soo dedejin kartaa dalaaqa


2- qaabka carruurta loo tarbiyeeyo taasna waxa keeni kartaa khilaaf soo dhexgali kara laba isqaba



3- galmada oo si fiican looga dhergin, haddii uuna ka dhergeynin ruux ka mid ah laba isqaba waxaa laga yaabaa inay arrintaas keento nacayb iyo kala tag



4- shaqada guriga, dadka qaarkii waxay rabaan in la isla qabto shaqada guriga, haddii midkooda ka soo bixi waayo shaqadaas waxaa laga yaabaa in la kalatago siiba dadka ku nool yurubta.



5- kalama maqnaansho daran oo keeni kara in labada ruux ay is illaawaan ama safar dheer ama la sheekaysi la'aan.



6- saaxiib xun, haddii midkooda uu leeyahay saaxib xun kan kalena uuna rabin taas waxay keeni kartaa kala tag



7- haddii midkooda uu leeyahay dhaqan xun kan kalena uuna ka helin sida qayilaada oo kale.



8- qaraabo xun, marmar waxaa guriga dumiya ninka dadkiisa ama naagta dadkeeda



9- rajo aan dhab ahayn il iska dhaadhiciyo in lacag farabadan la helayo ama guri fiican lagu noolaanayo wixiina aan la helin, inta badan waxay dhacdaa marka la is shukaansanayo












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog