Soomaalida ka soo laabanaya Nairobi oo sii kordhaya

Saturday, December 29, 20120 comments

Kumanan  ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ee ku noolaa dalka Kenya ayaa ku Soo qulqulaya gudaha dalka,  iyadoo saraakiisha socdaalka iyo dhirkada duulimaadku ayy faahfaahin ka bixiyeen tirada maalin kasta dalka ku soo laabta.

Maalin walba garonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa soo caga dhigta ku dhawaad 5 diyaaradood oo intooda badan uu duulimaadkoodu yahay Muqdisho Nairobi,  waxaa saaran duyuuradahaasi rakaab Soomalia ah oo aad u tira badan, kuwaasi oo badankooda ka yimid magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya, kadib marki ay saameysay dhibaatada dalkaasi ka jirto.

Si aan wax badan uga ogaano tirada dadka Soomaalida ah ee maalin kasta soo gaara Muqdisho kuwaas oo ka yimaada maggaalada Nairoobi.

Jabriil Jaamac Nuur oo ah mas’uul ka tirsan shirkada Jubba Airways ayaa sheegay  in ay kordheen tirada duulimaadyada ka yimaada Nairoobi, isagoo  sheegay in wax  korar ah uusan ku imaan qiimaha marki hore looga imaan jiray Kenya.

General C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ee heysata waaxda socdaalka iyo jinsayadaha ay tahay dadka ka imanayo kenya ee Somalida ah oo aan heysan Baasaboorka Somaliga ah, taasina ay dhib ku tahay amniga garoonka.

Qulqulka dadka ku soo laabanaya dalka oo gaaraya  4 boqol oo qof maalin kasta waxa ay u badan yihiin haween iyo caruur,  kuwaasi oo ay qaarkooda saameysay falalka amni darada ah ee ka dhacaya dalkaasi.
















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog