tan iyo markii ay la wareegtay Xilkaan Wasiirka Horumarinta Adeega Bulshada Drs. Maryam Qaasim waxa ay waday dadaal ku aadan sidii loo Horumarin lahaa Howlaha Wasaaradda Horyaala ayaa waxa ay manta Xafiiskeeda ku qaabishay Wafdi ka socday qaar ka mid ah Hay’addaha Walaaha Turkiga ee ku sugan Muqdisho.
Kulan ugu horeye waxa ay la yeelatay Maddax ka socotay Hay’adda Dianat Vakfi ee Turki iyadoo kala hadashay sidii loo sii wada lahaa howlaha Horumarinta ay u hayaan bulshada soomaaliyeed, Wasiirka waxa ay aad ugu mahadcelisay Walaalaha Turkiga gurmadkii ay u fidiyeen walaalahooda soomaaliyeed iyadoona sheegtay in ay sii wadayso howlihii hay’adahaan kala dhaxeye Wasaaradda ay Wasiirka ka tahay.
Kulankii xige waxa ay Wasiirka la yeelatay Maddaxda Hay’adda Nile oo aheyd Hay’addii ugu horeysay ee Wasaaradda waxbarashada, ka caabisay qaadistii ardaydii faraha badneyd iyagoona manta Wasiirka ka codsaday in ay sii socoto wada shaqeyntii dheerayd iyagoona sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dalka ka howl galiyaan Dugsiyadii waxbarashada ee horay ula wareegeen iyagoona intooda badan furi doonaan horaanta sanadka cusub, Wasiir drs. Maryam Qaasim ayaa aad usoo dhaweysay howsha balaaran ay wadaan Hay’addan waxa ayna sheegtay in manta ubadkaan soomaaliyeed u baahan yihiin in ay helaan waxbarasho lacag la’aan ah taasna ay tahay Hamiladeeda koowaad.
Ugu danbeyntii mudadii yareed ay xilkaan haysay Drs. Maryam Qaasim waxa ay waday dadaalo ku aadan sidii loo bilaawi lahaa Howlihii ay wasaaradda u haysay shacabka soomaaliyeed waxayna Shirar dhowr ah kaga qeyb gashay wadamo badan oo caalamka ka mid ah.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com









