Madaxweynaha Somalia Oo Xafiiska Ku Qaabilay Wafdi Ka Socda Midowga Yurub

Sunday, December 9, 20120 comments


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Villa Somalia wafdi ka socday Midowga Yurub (EU).

Wafdigaas waxaa hogaaminayay Ambassador Alex Rondos oo ah ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arimmaha Soomaaliya, waxaana ku wehliyay saraakil sar sare oo ka tirsan EU.

Madaxwenyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdigaas ugu warbixiyay safaradiisii ugu danbeeyay kuwaas uu ku sheegay gogol xaar looguna diyaar garoobayay xiriir dhaqaale iyo mid ku aadan xaga amniga iyo hormarinta Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu u sheegay in hada Soomaaliya ay ka go’an tahay in xiriir wanaagsan ay la yeelato beesha caalamka iyo qaasatan dalalka deriska la ah. Madaxweynaha ayaa ugu mahad celiyay EU, sida wanaagsan ay ula shaqeeyaan dowladda Somaaliya

EU ayaa soo dhaweeyay horumarka hada ka jira Soomaaliya iyo dadaalada ay dowladda ku dooneyso dib usoo celinta, iyo amniga.


- Dhamaad –

 Agaasinka Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha

Muqdisho, Soomaaliyo,

media@presidency.gov.so












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog