Sanado kadib magaalada Jowhar ayaa saaka ku waabariisatay, jawi ka duwan sidii hore, kadib markii ay shalay gacanta magaalada ay gashay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, kuwaas oo soo afjaray saddex sano iyo bilooyin oo ay Al-Shabaab maamulayeen.
Xaalada magaalada ayaa ah mid degan, iyadoo xalay ay gashay bandow iskeed ah, dadka ayaa guryahooda ku kala xarooday 7-dii fiidnimo, mana jirin amar saraakiisha ciidamada bandow ku saareen.
Wararka aanu saaka ka heleyno magaalada ayaa sheegaya in dib loo furay goobaha ganacsiga iyo ardayda oo saaka aroor hore u kalahay goobaha waxbarashada.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo diiday magaciisa ayaa saaka inoo sheegay in xaalada magaalada ay caadi tahay, dadkana ay xalay iskood bandaw isu geliyeen, markii magaalada ay is bedel gashay.
Wafdi isugu jira maamulka gobolka Shabellaha Dhexe, Xildhibaano iyo saraakiil ayaa maanta lagu wadaa inay u ambabaxaan magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa fariisimo ka sameystay gudaha magaalada iyo duleedkeeda, iyadoo shalay gelinkii dambe ay ciidamada ka soo baxeen degmada Mahadaay, iyagoo xalay saldhigtay deegaanka Buurane oo ilaa 1-KM u jirta degmada Mahadaay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
