Al-Shabab oo Sheegay inuu Dilay Denis Allex

Thursday, January 17, 20130 comments


Kooxda mitidka ah ee Alshabab ayaa sheegtay in ay dileen la-haystihii Faransiiska ahaa ee ay horay u afduubeen saddex sanadood ka hor.
 
Ururka ayaa warkan kusoo bandhigay barta twitterka ee ay internetka ku leeyihiin, iyada oo lagu sheegay in Denis Allex la dilay maalin ka hor.  
 
Uruka ayaa Arbacadii shalay soo saaray hadal ay ku caddeynayaan inay damacsan yihiin dilka ninkaas oo ka tirsanaa sirdoonka Faransiiska. Denis Allex waxa uu bartilmaameed u ahaa howgal guuldareystay oo toddobaadkii hore Faransiisku doonayey inay ku soo furteen. Saraakiil Faransiis ah ayaa sheegay inay rumeysnaayeen in Mr. Allex uu dhintay intii hawlgalku socday.
 
Ururka Alshabab ayaa sheegay in Allex loo dilay iyada oo loo aargudayo dadkii shicibka ah ee xoogagga Faransiisku ku dileen howlgalkii ay Jimcihii fuliyeen. Ururku waxa kale oo uu sheegay in dilkani uu ka turjumayo diidmada siyaasadaha Faransiiska ee Muslim nacaybka leh ee uu ka wado dalalka Mali iyo Afghanistan.
 
 
Allex waxa laga afduubay magaalada Muqdisho bishii July ee sanadkii 2009kii. Intaas ka horna waxa uu qeyb ka ahaa koox ciidanka dawladda Somalia ka caawinayey sidii Al-Shabab loola dagaalami lahaa.

_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog