Maxkamadda sare ee Pakistan ayaa amartay in la soo xiro Ra'siul Wasaare, Raja Pervez Ashraf (Sababtu Maxay tahay)

Thursday, January 17, 20130 comments


Maxkamadda sare ee dalka Pakistan ayaa amar ku bixisay xarigga Ra’isul Wasaaraha dalkaasi Raja Pervez Ashraf, oo loo heysto dacwad la xiriirta musuq maasuq, iyadoo dibad baxayaal dowladda ka soo horjeeda ay isu soo baxeen wadooyinka caasimadda dalkaasi ee Islam-abad iyagoo dalbana in dowladda la kala diro.

Warar laga sii daayay Telefishinka dowladda Pakistan oo soo xiganayo saraakiil talaadadii shalay ayaa lagu sheegay in maxkamadu ay amartay xarigga Ra’isul Wasaaraha, iyo 15 qof oo kale, oo ku lug leh dacwad ku saabsan, xarumo Quwadda Korontada bixiya oo gaar loo leeyahay.

Eedaha ayaa ka yimid Jagadii uu horey Mr. Ashraf u hayay oo aheyd Wasiirkii biyaha iyo korontada Pakistan.

Waxaa lagu eedeeyay inuu laaluush qaatay si loo dhiso xarumo koronto oo gaar loo leeyahay, oo lagu xoojio – koronto yarida ka jirta Pakistan.

Mr. Asharaf ayaa beeniyay eedahaasi loo soo jeediyay.

Dadka indha indheeya siyaasadda Pakistan ayaa sheegaya in warqaddan lagu soo xirayo Ra’isul Wasaaraha ay sii xumeyso xiisadda ka dhex oogneyd dowladda iyo Maxkamadaha dalkaasi.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog