Bile Xaashi Nuur oo Maanta si arxan darra ah aan horey loo arag loogu dilay Kismaayo iyo eheladiisa oo iska ilmeeyeen

Wednesday, January 16, 20130 comments

Ganacsade lagu magacaabi jiray Bile Xaashi Nuur ayaa Xaafada Calanley ee magaala xeebeedka Kismaayo waxa ay si arxan darra ah ugu dileen Rag ku labisnaa Dareeska Ciidanka Dowlada Soomaaliya ee kusugan Magaaladaasi.

Marxuumkaan oo kaganacsa jiray Miis Kabahalagu iibiyo ayaa Rag kulabisnaa Draeeska Ciidanka Dowlada waxa ay ugu yimaadeen goobtiisa ganacsiga iyaga oo ku amray in uu raaco, kadibna uu weydiiyay waxa qasbaya in uu raaco, wixii markaasi ka danbeeyayna ay huwiyeen Rasaas culus dhaawc gaarsiiyay.

Dhaawicii ay gaarsiiyeen ayaa lasheegay in loogu qaaday Isbitaalka hasa yeeshe ay uga daba tageen isbitalka iridiisa halkaasi oo ay uga dhigeen wiilashii weday ayna caloosha Beynaada qoraga hadana kageliyeen wiilashiina xabsiga ay u qaadeen.

Dadka deegaanka ayaa lasheegay in ay kusoo bexeen oo ay kula taliyeen in ama si sharaf leh ay u dhameestiraan ama ay iska daayaan si Isbitaalka loogu gudbiyo.
 
Xilligaas kadib ayaa Isbitaalka loo qaaday sida eheladiisu ay sheegeen isaga oo kadibna saalada ku dhintay.

Eheladiisa oo lasoo xariiray Shabakadaan newbanaadir.com ayaa waxa ay aad uga caroodeen arintaan xad kabaxa ah ee ay kudhaqaaqeen Maleeshiyaadka ay Kenya dabada kataagantahay.

Waxa ay sheegeen ehelada Marxuumka in dowlada Soomaaliya looga baahanyahay in ay cadaalada hor keenaan kooxaha sidaa kula dhaqmay ganacsadahaasi.
 












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog