Sirta iyo Sababta loo jabin la yahay kooxda FC Barcelona oo la ogaaday (Daawo Muuqaal+Warbixin Tarjuman ) !!

Wednesday, January 16, 20130 comments

Inta badan Saxaafada Caalamka iyo Qabiirada Sportiga ayaa waxa ay is weeydiinayaan kooxda FC Barcelona maxaa ku dhici lahaa hadii mar quraa ay ka wada dhaawacmaan Laacibiinta is Kubad fahantay ee kala ah Lionel Messi, Xavi Hernandez iyo Andres Iniesta ???

Hal Bil oo kaliyah sadexdaan Xiddig hadii ay kooxda Fc Barcelona ka maqnaan lahaayeen waxaa marqaati ma doonto ah in awooda kooxda Fc Barcelona laga dareemi lahaa dabacsanaan iyo jil-jileec sababa in mararka qaar maalin cad laga tirsado Dhibcaha.

Xiddigahaan waxaa la sheegay in ay Ciyaartooyda Paasas Qorsheeysan ku waaleen waliba waxaa la waayay qaab toos ah oo loo xiro ama loo qabto, maxaa yeelay 2 hadii la xiro kii kale ayaa labadii la xiray
furaayo waxeeyna inta badan isku bad badalaan boosaska si aan
loo haweesan in hawada laga qariyo. Jaraaidyada Caalamka waxa ay Laacibiintaan ugu yeeraan Nuurkii-Dayaxa kuwaas oo kala jeeda in ay yihiin Laacibiin ku shaqeeya Soolarka ama awooda Dayaxa (Yaab) .

Sadexdaan Qabqable ee ciyaartooyda Caalamka Paasaska ku qaribay waxa ay ka soo baxeen xerada caanka ah ee (The BarcelonaAcademy La Masia), waxeeyna Kubada isla ciyaari jireen iyaga oo Caruur yar yar ah !!.
















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog