Tan iyo markii ay ciidamada dowladu la waregeen gobolka Shabeelada Hoose gaar ahaan degmada Markao oo ah xarunta gobolkaasi ayaa waxaa maanta la geeyay ciidamo katirsan Booliska Soomaaliyeed kuwaasoo si rasmi ah maanta uga howl bilaabay degmada Marko iyadoo la arkayay ciidamadan Booliska Oo ka howlgalaya saldhiga degmada Marko.
Ciidamadan ayaa waxaa horkacayay taliyaasha ciidamada Booliska ee qeybta gobolka Shabeelada Hoose Iyo taliyaha saldhiga Booliska ee degmada Marko waxaana ay howlihii Boolisku ugu xilsaarnaa Bulshada Ee ahaa badbaadinta naftooda iyo maalkoodaba ay si rasmi ah uga bilaabeen magaaladaasi xili ay dadka Kunool siweyn ugu baahi qabeen ciidamo Boolis ah oo suga amaanka islamarkaan roondooyin amaanka Lagu soo celinaya ka sameeya degmadasi.
Gudoomiye ku xigeenka gobolkaasi ee dhinaca amniga Maxamed Cumar Mudane ayaa uga Mahadceliyay wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka iyo sidoo kale Taliska Booliska Soomaliyeed sida ay ugarteen in degmooyinka gobolku eysan ahaan Karin Boolis la,aan maadama ay Horay saldhiga magaalada Marko uga howlgalayeen ciidamo aan Boolis aheyn.
Shacabka kunool magalada Marko ayaa soo dhaweeyay talaabadan iyagoo ku tilmaamay mid waxweyn Ka bedeli doonta soo celinta amniga guud ahaan gobolkaasi iyo degmooyinka lafilayo in xiligan laga Bixiyo gacanta Al-Shabaa sida Kuntuwaarey,Sablaale,Baraawe iyo Qoryooleey oo ah goobaha ay weli Al-Shababa ku dhumaaleysanyaan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com