Ra’isulwasaare Soomaaliya oo hambalyeeyay cayaartoyda xulka kubada kolayga Guushii ay ka qaadeen xulka Burundi

Friday, January 25, 20130 comments

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ugu Hambalyeeyay cayaartoyda Soomaaliyeed guushii ay dalka Tanzania kasoo hooyeen xulka kubada Koleyga dalkeena oo la cayaaray wadanka Burundi cayaartii ugu danbeysay.

Ra’isuwlasaare Saacid oo qadka taleefanka magaalada Daarisalaam kula hadlay cayaartoyda Wadankeena ayaa u rajeeyay inay soo hooyaan guul ka weyn tan ay hadda soo hooyeen isagoo balanq qaaday in xukuumadiisu ay geed kasta u kori doonto sidii cayaartoyda Soomaaliyeed loo horumarinlahaa.

Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa xiriirkan uu la sameeyay cayaartoyda kubada kolyga Soomaaliya ee kusugan magaalada Daarisalaam ee dalka Tansania waxa uu kor u qaadayaa muraalka cayaartoyda oo la filayo inay guulo hor leh oo wax ku ool ah usoo hooyaan Wadankooda Soomaaliyeed

Iyadoo Ra’isulwasaaruhu tilmaamay in cayaartoyda Soomaaliyeed ay dhibaatooyin farabadan soo mareen iyagoo usoo dulqaatay duruufo kala duwan taasoo keeneysa inay xiligan dib usoo celiyaan sharaftii Soomaaliya ay ku lahyed caalamka oo ay magac weyn ku laheyd dhinaca Sportga iyo awoodo kale.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog