Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay Dowlada

Thursday, January 10, 20130 comments


Maamulka Dowladda ee Gobalka Gedo ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen dhalinyaro yar yar oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee Dowladda dagaalka kula jira.
Cabdi Cabdulaahi Maxamuud oo ah Taliyaha howlgalinta Gobalka Gedo oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in wiilasha isa soo dhiibay ay yihiin kuwa aad u yar yar sida uu sheegayna horay loo qalday.
Wuxuu tilmaamay in iskooda ay isku soo dhiibeen ayna jirin cid ku qasabtay in dhanka Dowladda ay kusoo biiraan isaga oo shaaca ka qaaday inay ka waantoobeen dhibaatooyinka shacabka ay ku hayn jireen iyo fikradahii qaldanaa ee lagu isticmaali jiray.
Taliyaha ayaa sheegay in tirada dhalinyarada ah ee isa soo dhiibay ay gaarayaan ilaa 15-dhalinyaro ah kan ugu weyna da’diisa uu ku sheegay 18-jir.
Hadalkiisa ayuu intaasi sii daba dhigay inay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Shabaab ee ka socda Gobalka Gedo ayna ka saari doonaan deeganada Gobalkaasi ay ka joogaan Shabaab.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog