Beeraleyda Gobalka Sh/Hoose oo ka cabanaya cayayaan baabi’yay dalagga Beeraha

Thursday, January 10, 20130 comments


Beeraleyda gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka cabanaya cayayaan dhibaateynaya dalagga Beerahooda.

Beeraley ku nool gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in dhibaatooyin ba’an uu ku hayo cayayaan wax yeelo u geysta Beerahooda kaas oo ay sheegeen in uu baabi’iyo dalaggii ay beerteen.

Sidoo kale Beeraleyda ayaa ka dalbatay dowladda iyo hey’adaha gargaarka in ay u keenaan sunta lagula dagaalamo cayayaanka,  iyagoo tilmaamay in cayayaankaasi uu fara ba’an ku hayo qudrada ku bislaata maalmaha kooban sida Ansalaatada Yaanyada IWM.

Dhanka kale Beeradeyda ayaa codsatay in dib loogu furo Kanaaladi biyaha ee Aasmay si ay uga faa’iideysan maadaama xilligii Dagaalada ay duugmeen Kanaaladaasi.

Tan iyo markii Shabaab laga saaray gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa sii kordhayay wax soo saarka beeraha ee Gobolkaasi kadib markii ay fursad u heleen in ay si xoriyad leh u tacbadaan Beerahooda.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog