Ciyaartoyda Kubadda Kolayga Soomaaliya Oo Guulo Kasoo Hooyay Tartanka Ka Socda Dalka Tanzaniya Oo Casho Sharaf Halkaas Loogu Sameeyey(Warbixin+Sawiro)

Friday, January 25, 20130 comments

Casho Sharaf heer sare ah ayaa habeenkii xalay ahaa loogu sameeyey magaalada Daaru-Salaam ee wadanka Tanzaniya  Ciyaartooyda wiilasha Kubadda Kolayga qaranka Soomaaliya kuwaas oo  guulo wax ku ool ah ka soo hooyey tartamadii ay uga qeybgaleen wadankaas waxaana casho sharafta u sameeyey ciyaartoyda Soomaaliyeed ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo  Mahad Gurguurte kaas oo ku dhiiri galinaya ciyaartoyda Soomaaliyeed oo xiligan muujiyey guulo la taaban karo.

Soomaaliya ayaa group-kii ay ku jirtay kaga soo baxday kaalinta koowaad kadib markii ay dhirbaaxo ku dhufteen wadamada Kenya iyo Burundi waxaana ay Soomaaliya xiligan u gudubtay wareegga xiga, Ciyaartooyda Soomaaliyeed ayaa rajo wanaagsan ka qaba iney ku guuleystaa Tartankan oo ay ka qeyngalayaan wadamo caan ku ahay kubadda kolayga oo ay kamid tahay dalka Masar.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay guusha ay soo hooyeen geesiyaaasha kubada kolayga qaranka Soomaaliyeed mid lagu diirsado taasoo kor u qaadeysa sharafta umada Soomaaliyeed oo aan waayihii danbe looga baran fagaarayaasha sida oo kale ah iney guulo ka gaaraan,waxaana ay shacabka Soomaaliyeed u direen hambalyo iyo bogaadin ku aaddan guusha ay u soo hooyeen umada Soomaaliyeed.
Guushan ayaa loo aaneynayaa kadib markii isbedel lagu sameeyey ciyaartoyda Soomaaliya uga qeybgalaysa tartamadan kuwaas oo qaar kood laga keenay wadamada qurbaha iyo kuwo laga kala keenay gobolada dalka waxaayna taasine keentay iney kun talaabsadaan horu marka la taaban karo oo ay ka gaareen tartamadii ay ciyaareen iyadoona laga rajeynayo iney guulo l fiican ka gaaraan tartamada  u dhiman ee ay ciyaari doonaan.
Soomaaliya oo xiliagn kasoo kabanaysa dagaaladii sokeeye ee dalka ragaadiyey ayaa u muuqata iney soo ceshaneyso kaalintii ay ku lahayd masraxyada caalamka ee lagu kulmo sida ciyaaraha kala duwan waxaana xiligan ay dhalin badan oo Soomaaliyeed aamineen iney heer ka gaari karaan ciyaaraha kala duwan ee Isboortiga kadib markii uu sanadkii dhamaaday wacdaro la yaableh ka dhigay ciyaarihii Olombikada adduunka orodyahanka Soomaaliyeed ee Mo Faarax oo u orday dalka Uk.
Mo Faarax ayaa adduunyada baray Soomaalida iyo iney awood u leeyihiin hanashada orodka dheer oo ay caan ku ahaayeen wadamada geeska afrika gaar ahaan Kenya iyo Itoobiya wuxuuna Mo meel cidlaa kaga dhaqaaqay ciyaaryahandii Itoobiya iyo Kneya oo loo saadaalinayey iney ku guulaysan karaan orodka dheer ee 10-ka kun iyo 5-ta Kun




_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog