Daawo Sawirada "Shir maamul loogu samaynayo qaar kamid ah gobolada Koonfureed oo Baydhabo ka socda"

Friday, January 25, 20130 comments

Qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka, waxgaradka iyo duqeyti kale ayaa isugu tegey magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay si ay uga arinsadaan maamul loo samaynayo qaar kamid ah Gobolada Koonfureed.

Sida la sheegay duqeytida ayaa ka kala ymid Gobolada Shabeelada Hoose, Jubada Dhexe, Gedo, Baay iyo Bakool waxaana tiradoodu gaareysaa 50 oday. 

Odoyaasha ayaa ka arinsanaya sidi loo dhisi lahaa guddi farsamo iyo sidii lagu taabo gelin lahaa shirka lagu dhisaayo maamul goboladaasu ku mideysan yihiin bisha Feberaayo 2013.

Shirka Feberaayo ayaa noqonaya goob la isugu keeno dhamaan kuwa danwadaagta ah, si ay uga doodaan fursadaha maamul loogu samaynayo goboladaas, waxaana la sheegay in shirkan ay Dowladda Federaalku wax ka ogtahay ayna ka joogaan masuuliyiin ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga, waxaana shirkan taageeraya Hay’adda UNDP, waxaana shirkan Amaankiisa sugaaya ciidamada AMISOM ee Baydhabo.

Si kastaba ha ahaatee laba kamid ah Gobolada hadda la sheegay in ay ergooyinku ka joogaan ee Jubada Dhexe iyo Gedo ayaa ka mid ah kuwa iyaguna shirku uga socdo magaalada Kismaayo isla markaana la doonayo in lagu yagleelo maamul la magacbaxay Jubbaland, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa in aysan marna dooneyn in Jubbaland ka koobnaato gobolada Jubada Hoose, Gedo iyo Jubada Dhexe, waxaana marar badan soo kala dhexgalay iyada iyo Guddiga kumeelgaarka ah ee Maamula Jubada Hoose mad-madow arrintaas ku aadan, taas oo ay dadka qaarkiis ku tilmaamaan giraan dib u laabatey.

Dowladda ayaa iska fogeysey marar badan eedaha loo jeedinayo, waxayna sheegeen in dadka dega Jubbooyinku ay aayahooda ka tashan karaan, dhawaan ayey ahayd Markii golaha Wasiiradu sheegeen in loo xilsaarey Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay maamulo kumeel-gaar ah u samayso Gobolada al-Shabaab laga saarey, taas oo ay ka biyo diideen qaar kamid ah dadka degan Jubbooyinka, waxaana lagu wadaa in Golaha Wasiirada Federaalka Soomaaliya ay maalinta berri ah (Khamiis) ka hadlaan qaddiyadda maamul u samaynta Gobolada al-Shabaab laga saarey.

















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog