Daawo Layaab: Aaabe Dilay Wiilkiisa Oo Laba Bil Jiro Iyo Aaabahaas Oo G….(Daawo Muuqaalka)

Saturday, January 5, 20130 comments

Dhacdadaan oo dhacday maalintii shalay kana dhacday dalka Indonesia gaar Karawang, West Java, aabaha dilay wiilkiisa oo laba bilood jiro ayaa qirtay dilka wiilkiisa wuxuu sheegay in uu ka seexan waayay oohintiisa, aabaha ayaa ku xanaaqay kadib markii uu udul qaadan waayay oohinta wiilkiisa, markasta uu ilmeeyo cunuga yar aabaha wuxuu ka tumaa wiilka qeybta madaxa iyo wajiga.

Sidada caadaha ah caruurta yaryarka waliba kuwa aan gaarin hadalka waa kuwa ooya inta badan lagu sasabo caano ama la ximbaaro si loo aamusiyo balsa aabahaan ayaa dadaalkiisa ka dhigay mid uu ku garaaco wiilkiisa aadka u yar.

Dhaawac ka soo gaaray dhanka maskaxda ayuu u dhintay wiilka maadaama ay tahay maskaxda caruurta mid jilicsan aan xamali karin jug.

Aaabahaan naxariista ka guurtay ayaan ula cararin ubadkiisa ispitaalka, sidoo kale wuxuu hanjabaad u geestay hooyada dhashay cunuga aadka u yar wuxuuna ugu hanjabay dil.

Abaahaan ayaa loo taxaabay xabsi iyada oo lagu wado baaritaan hadii lagu helo wax cadaymo ah waxaa suurta gal ah in uu galo xabsi 15 sano ah waana xeerka udagsan dalka Indonesia. 










W/Q:-Mohamed Sadiiq (Super Boy)











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog