Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya Jaylaani Nuur Iikar iyo wafdi xildhibaanno ah oo xalay soo
gaaray magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Sudan ayaa uga
qeyb-galaya kulanka Siddeedaad ee Golaha Guud ee Midowga Baarlamaannada
Islaamka.
Xildhibaan Ibraahim Xaaji Nuur Saleebaan (Ilka-case) oo ka mid ah
wafdiga Barlamaaniga ah ayaa Saxaafadda u sheegay in wafdiga
Soomaaliya ka socda uu shirka ka jeedin doono khudbad ku saabsan
xaaladda uu marayo dalkeena hooyo.
‘’Wafdigan ayaa ka kooban Toban xubnood oo isugu jira mudanayaal iyo
mas’uuliyin ka tirsan qeybta hab-maamuuska Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya’’.ayuu yiri Ibraahin Xaaji Nuur Sulaymaan Ilka Case.
Shirkan ayaa ka furmaya maanta Magaalada Khartoum Dalka Sudan kaas oo soo gaba gaboobi doona ilaa 22-ka January.
Kulankii ugu dambeeyay ee Midowga Baarlamaanada Islaamka oo ay
Soomaaliya xubin ka tahay ayaa lagu qabtay dalka Malaysia bishii
January ee 2012.
Midowga Baarlamaannada Islaamka waxaa la dhisay sanadkii 1999 si loo
xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya baarlamaannada dalalka Islaamka iyo sidii
xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta dalalka Islaamka ah.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com