Ra’isalwasaraha xukuumdda Somaliya mudave Cabdi Faarax Shirdoon
‘’Saacid’’ Ayaa xalay kulan casha sharaf ah u sameeyey saraakiisha
ciidamada qalabka sida waxaana ka qeyb galay ku simaha madaxweynaha ahna
gudomoyaha Barlamanka Soomaliya Mudane Maxamed Sh. Cusman
‘’Jawaari’’.
Kulanka casho sharafka ah ayaa R/wasaaruhu u sameeyay saraakiisha
ciidamada Nabadsugida, Booliiksa iyo Meleteriga, waxaana goob joog ka
ahaa ku simaha Madaxweynaha ahna gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya,
gudoomiyaha Maxkamada sare, wasiirro iyo xildhibaano.
R/wasaaraha Soomaaliya mudane Saacid oo kulanka kadib sheegay in ujeedada kulanku ay aheyd dhiirigelin iyo is
xogwareeysi ku aadan howlaha ay ciidamadu ku xasilinayaan amaanka dalka.
Sidoo kale R/wasaaraha ayaa tilmaamay in kulankaasi diirada lagu
saaray Amaanka Muqdisho oo uu sheegay in ciidamadu ay wax weyn ka
bedeleen Amaankeeda.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaalada ay dowladu ugu jirto dardar gelinta howlaha lagu xaqiijinayo amaanka caasimada Muqdisho.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com