Daawo Sawirada Sida Madaxweyne Xasan Shiikh Xalay Loogu Soo Dhaweeyay Minneapolis

Saturday, January 19, 20130 comments

Kudhawaad 4,000 oo ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minneapolis, ayaa madaxweyne Xasan Shiikh iyo wafdigiisa Xalay si weyn usoo dhoweeyay iyagoo luxayay Calamada Soomaaliya iyo mareeykanka.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo luqada Englishka Khudbad ugu jeediyay dadkii halkaas isugu soo baxay, ayaa Soomaalida kunool Mareeykanka ka dalbaday ineey badiyaan sabarka islamarkaasna ay is cafiyaan si loo soo celiyo midnimada Soomaaliya.

“Wiilasha iyo gabdhaha Mareeykanka waxay naftooda u huraan sidii loo bad baadin lahaa nolosha dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh oo xalay hadal ujeediyay jaaliyada Soomaaliyeed ee Minneapolis.

Madaxweyne Xasan Siikh, ayaa sidoo kale dadkii xalay isugu soo baxay magaalada Minneapolis u ballan qaaday in Soomaaliya uu u bilaawday waa Cusub, iyo waa Cusub, waxaana uu ka dalbaday ineey ka qayb qaataan dib udhiska dalka.

Xafladii Xalay ee Minneapolis lagu soo dhoweeyay madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Fanaaniin qaaday heeso wadani ah oo qiiro galiyay dhamaan dadka iyo wafdiga madaxweynaha, ayaa gaba gabadii waxa uu madaxweynaha dadka ugu warbixiyay wixii ay kawada hadleen isaga iyo madaxweynaha Mareeykanka Obama, iyo sidokale Hillary Clinton.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ee Minneapolis u sheegay in doowlada Mareeykanka ay markii ugu horeesay tan iyo 1991 ay aqoonsatay doowlada Soomaaliyeed, hada wixii ka danbeeyana ay u wada macaamili doonaan sidii laba dal oo xor ah oo kale.

“Waa sida inaan hada qaadanay Xuriyadeena” sidaa waxaa yiri Hassan Dahir, oo bare ka ah Iskool Sare oo ku yaal koofurta magaalada Minneapolis, waxa uuna tilmaamayay markii ay Soomaaliya Xurnimadeeda ka qaadatay gumeystayaashii Italy iyo Britain 1960, Hassan ayaa sidokale sheegay in aqoonsiga uu Mareeykanka aqoonsaday Soomaaliya uu waa cusub u yahay labada shacab.

Magaalada Minnesota, waa magaalada ugu badan ay Soomaalida ku noolyihiin guud ahaan dalka Mareeykanka, waxaana ku nool Soomaali lagu qiyaasay 70,000.

Abdi Rizak Bihi, oo walaalkiis wiil uu dhalay ku dhintay Soomaaliya kadib markii uu ka tagay mareeykanka si uu ugu biro Al-shabaab, ayaa waxa uu sheegay in doorashada madaxweyne Xasan Shiikh iyo aqoonsiga Mareeykanka ay Soomaaliya u horseedeeyso maalgashi ay ku sameystaan shirkadaha iyo doowladaha Caalamka.

“Waxaa soo dhowaaday xiligii la xoojin lahaa xiriirka Mareeykanka uu la leeyahay Soomaaliya” sidaa waxaa yiri Keith Ellison, D-Minn.,oo ah ku xigeenka madaxweyne Obama.

Keith Ellison, D-Minn.,ayaa sheegay in mareeykanka ay madaxweyne Xasan Shiikh u arkaan inuu yahay hogaamiyaha ugu haboon ee Soomaaliya ka saari kara fowdada iyo dhibaatada ay mudada kusoo jirtay, maadaama uu ahaa nin u dhaqdhaqaaqa arimaha bulshada iyo wax barashada 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa lawada xasuustaa in Soomaaliya ay tahay wadan uu mareeykanka ka sameeyay filimkii Caan baxay ee lagu magacaabayay “Black Hawk down”, filimkaan ayaa ka tarjumayay 18 askari oo Mareeykanka kaga dhimatay Soomaaliya 1993, xiligaasoo mareeykanka uu dagaal kula jiray maleeshiyo uu hogaaminayay Jeneral maxamed Faarax Caydiid, waxaana xiligaas wixii ka danbeeyay Mareeykanka uu ahaa mid iska hilmaamay arimaha Soomaaliya.

Laakiin Sanadihii ugu danbeeyay mareeykanka ayaa xoojiyay tageerada iyo dhaqaalaha uu ku bixiyo ladagaalanka waxa uu ugu magic daray Argagixisada gaar ahaan kuwa ka dagaalama Soomaaliya sida Al-shabaab, waxaana uu gadaal ka taageerayay Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM, iyo kuwa doowladaha dariska sida Ethiopia iyo Kenya.
















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog