Waxaa Xarunta Booliska ee Norway soo gaaray Afar Nin oo Kurdi ah iyo Mid Soomali ah , si ay Booliska qoxootinimo isugu dhiibaan . Sida caadiga ah qof walba waxaa la waydiiyaa Wadanka uu u dhashay iyo meesha uu ka yimid .
Afartii Kurdida ahaa iyo midkii Soomaliga ayaa su,aalo la waydiiyey iyagoo la rabay oo kaliya in laga qoro wadamada ay u kala dhasheen:
Kii ugu horeeyey waxa uu dhahay waxaan ahay Kurdi Ciraaqi.
Kii labaad waxa uu dhahay waxaan ahay Kurdi ii raani
Kii sadaxaad waxa uu dhahay waxaan ahay Kurdi Turki.
Kii afaraad waxa uu dhahay waxaan ahay Kurdi Suuri
(sida aan la socono Kurdiyiinta afartaas wadan ayeey kala dagaan).
Ugu danbayntii markii la soo gaaray kii Soomaliga ahaa waxa uu yiri waxaan ahay “Kurdi Soomaali”, isaga oo u haystay in erayga Kurdi uu yahay wax lagu amaanayo wadanka sababtoo ah waxa uu yaqaanay oo kaliya wadamada Ciraaq, Iiraan , Turki, Suuriya, laakin waa markii ugu horeeysay oo uu maqlo Kurdi.
Waxa uu is yiri: Waddankaaga ha ka reebin erayga ammaanta ah ee “Kurdi”…! kKkKkK
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com