Qaar
kamid ah Haweenka Soomaaliyeed ayaa ku dhiiray in Xiligan Adag uu dalku
kujiro ay ku biiraan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed si ay qeyb uga
noqdaan Difaacada Dalka iyo soo celinta Sharaftii dhuntay ee Soomaali
laheed.
Ciidamada kala duwan ee
Dowlada waxaa hada qeyb weyn ka ah Haween aad u badan kuwaa oo u
shaqeenaya qaranka waxaana u badan Haweenka kamidka ah Ciidanka
Booliiska Soomaaliyeed oo iyagu shaqeeya Habeen iyo Maalin.
Haweenkan ayaana dhawaan
soo bandhigay Cududooda Ciidan iyo dhoolo tus iyagoona shaaca ka qaaday
in ay diyaar u yihiin difaaca Dalka iyo Diinta iyo soo celinta
sharaftii uu waayo lahaa Ciidanka Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale jira
Haween badan oo katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliyeed oo iyana
habeen iyo maalin usoo jeeda Difaaca Dadkooda iyo Jiritaanka Dowlada
Soomaaliya jiidaha hore ee dagaaladana kusugan iyo Haween iyana katirsan
Nabad Sugida oo ku hoolan kahor tagida cadowga naafeenaya Shacabka
Soomaaliyeed.
Tan iyo bur burkii
Dowladii dhaxe waxii ka dambeeyay Haweenka Soomaaliyeed ee ku dhiiranaya
in ay ciidan noqdaan hasa ahaatee hada waxaa muuqanaya isbadal la
taaban karo ,Waxaana Ciidamda kala duwan ee Dowlada kujira Haween
darajooyin kala duwan leh oo daacad u ah u adeegida Dalkooda iyo
Dadkooda.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com