Sida aynu dhamaanteen ka wada war qabno tartamada baratanka baabuurta ee Rally loo yaqaanaa waa kuwo sidooda u halis badan, waxaana inta badan ka dhaca shilal, tartamadaasi waa kuwo dadka gacmaha qaba aad ugu adag, laakiin waxa la yaab dunida ku noqotay wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Poland oo isagoo labada gacmood ka maqan yihiin soo dhashay ayaa go?aansaday in uu ka qayb galo tartankaas.
Ninkan dhalinyarada ah oo lagu magacaabo, Bartek Ostalowaski waa 26-jir, waxaanu ku dhashay isagoo aan gacmo lahayn, waxaanu dhawaan sida muuqaalkan ka muuqata ka qayb galay tartan gawaadhida ah oo lagu qabtay dalka Poland.
Ninkan ayaa gacmaha ku wada kuna maamulaya gabi ahaanba
gaadhiga, waxa uu lugta midig u adeegsanayaa kala badalka speed-ka ama marshada, halka lugta bidixna uu ku hayo shookaanta sidaana uu kaga qayb qaadanayo tartanka baratanka gaawaarida ee dalkiisa.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com