Dadkii Ciidamada Kumaandooska Faransiisku ku xasuuqeen Buulo Mareer , sharcigu maxuu ka leeyahay.?

Monday, January 14, 20130 comments

Sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha gobalka Sh. Hoose, dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay bixinyeysaa mig dhaw lasiinayo eheladii shacabkii wax ku noqday howl galkii fashilmay ee ka mandoosta Faransiisku ay ku qaadeen saldiga Shabaabku ku lahaayeenm Sh. Hose.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay xil iska saareyso qaabkii ay niyadooda u dejin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed ee dhibatadu kasoo gaartay weerarkii Buula mareer ee gobalkaasi kamid ah kaaso oo ahaa weerar sidii loogu tala galay aan udhicin

dhibaata badan shacab Soomaaliyeed uu kasoo gaaray.

Gudoomiyuhu masheegin megdhawga lasiinayo shacabkaas inta ay la egtahay, waxaana hadalkaan gudoomiyaha gobalka Sh. Hoose uu kusoo beegmayaa xilli habeen kahor dowlada faransiisku ay waji gabax kala kulantay weerar ay doonayeen in ay Shabaab uga furtaan mawaadin Faransiis ah oo sedax sano kahor gacanta Shabaab ku dhacay.

Howlgalkaasi faransiisku ku fashilmeen waxaa ku geriyooday lix ruux oo sedax isku qoys tahay marka laga reebo dhinacyada dagaalamay, hasa yeeshee lama oga sida megdhawgaasi kugaari doono maadaama ay Shabaab maamulaan halka ay kunoolyihiin.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog