Muslimiinta wadanka Maali ayaa maalintii Sedaxaad lahar damaya duulaan saliibi ah oo ay ku qaadeen ciidamada Faransiiska iyo wadamada Mandiqadda ee dabadhilifka ah.
Wararka ka imaanaya magaalooyinka Tambookto,Keydaal,Ghaawa ayaa sheegaya in diyuuradaha dagaalka Faransiiska ay duqeymo culus ka geysteen halkaasi.
Saxafiyiin ayaa kusoo waramaya in dhowr bartilmaameed oo ku yaal Ghaawah ay duqeeyeen diyuuradaha dagaalka Faransiiska balse lama oga khasaaraha shacabka muslimiinta kasoo gaaray duqeymahaasi.
Bayaan kasoo baxay mujaahidiinta Ansaarudiin ee wadanka Maali ayaa lagu beeniyay warar been ahaa oo shalay ay faafiyeen saxaafadda caalamiga ah,Ansaarudiin waxay sheegtay in cadawgu aysan qabsan magaalada Koona ee istiraatiijiga ah.
"Waa been aan sal lahayn oo xaqiiqda ka fog in mujaahidiinta laga qabsaday magaalada Koona,geesiyaasha mujaahidiinta ayaa weli maamulaya magaalada"ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Ansaarudiin.
Dhinaca kale Dowladad kirishtanka Faransiiska oo saacadihii lasoo dhaafay dharbaaxo xoogan kala kulantay dagaallo ay ka gashay bariga afrika iyo waqooyiga afrika ayaa ku dhawaaqday in uu khatar ku jiro amniga gudaha ee wadankeeda.
Madaxweynaha Nasraaniga faransiiska Faransa Holland ayaa ku dhawaaqay in heegan sare oo dhanka ammaanka ah lageliyay ciidamada booliska iyo laamaha waxa loogu yeero argagaxisada ladirirka.
Faransiisku waxay muujiyeen in weeraro uga imaan karaa muslimiinta maadama ciidanka wadankaasi ay duulaan ku qaadeen Wadanka Maali islamarkaana ay dad muslimiin ah ku dileen dalka Soomaaliya.
Wasaaradda dagaalka Faransiiska ayaa Jumcihii lasoo dhaafay sheegtay in kumanaan katirsan ciidankeeda ay ku daad gureysay Maali si ay Islaamiyiinta uga caabiso magaalooyin hor leh oo ay kusoo fideen.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
