DEG DEG: Hawlgalo Ballaaran Oo Saaka Ay Ciidamada Dowlada & Kuwa Amisom Ka Wadaan Degmada Kaaraan

Saturday, January 26, 20130 comments


Ciidamada booliska iyo nabad sugida Soomaaliya oo kaashanaya booliska Amisom ayaa saaka ka wada degmada Kaaraan Hawl-galo  balaaran ciidamada oo saaaka ku jarmaaday degmada Kaaraan gaar ahaan xaafada Arjantiin ee degmadaas ayaa saaka guryaha xaafadaas guri guri u baaraya iyagoona la sheegay iney gacanta kusoo dhigeen dad aad u fara badan waxaana wali degmada Kaaraan xiligan kasii socda hawlgalka ay sameynayaan Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa Amisom.

Wararka aynu ka heleyno degmada Kaaraan ayaa ku waramaya inuu hakad ku yimid hawlihii ganacsiga suuqa Arjantiin ee degmada Kaaraan kaasoo u saamayn ku yeeshay hawlgalka balaaran ee saaka ka socda degmadaas waxaana sidoo kale la uu hawlgalkani saameyn ku yeeshay ardaydii jaamacadaha iyo dugsiyada u kalahayey kuwaas kadib markii ay ciidamadu xanibeen dhaqdhaqaaqa degmadaas.

Ilaa hada ma jiraan cid ka hadashay hawlgalka saaka ka socda degmada Kaaran balse waxaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay k warbixiyaan saraakiisha horkacaya ciidamada saaka hawlgalka ka wada degmada Kaaraan,hawlgalada ayaa daba socda kuwo hore uga dhacay magaalada Muqdisho oo lagu baadi goobayey xubnaha ka tirsan alshabaab ee ku dhuumaalaysanaya degmooyinka gobolka Banaadir.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog