Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegay in
magaalada Muqdisho aysan lahayn qoys kaliya balse ay tahay magaalo ka dhexeysa
umada Soomaaliyeed oo idil wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland Max’uud
Caydiid Dirir ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Muqdisho aysan jirin cid ay
dadka Soomaaliyeed marti uga yihiin isagoona shaki galiyey caasimad
ahaanshaha magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa tilmaamay in
dastuurka xiligan u dagan shacabka Soomaaliyeed ee lagu wada heshiiyey ay ku
qorantahay in magaalada Caasimada ah ay tahay in goor danbe ay kawada
arinsadaan bulsho weynta Soomaaliyeed hadii ay Muqdisho sii ahaato ama ay
magaalo kale u gartaan iney ka dhigtaan Caasimada dalka,wuxuuna sheegay ineysan
suurta gal ahayn in Muqdisho cid marti looga noqdo.
Wuxuuna sheegay ineysan
aqbali karin in magaalada Muqdisho ay sheegato cid gaar ah isagoona sheegay
ineysan suurta gal ahayn in magaalada Muqdisho ay caasimad sii ahaato iyada oo
aan laga wada hadlin wixii ka dhacay magaalada Muqdisho oo uu sheegay iney ka
dheceen gabood falo aan la ilaawi karin taasine ay tahay sababta ay shakiga u
galinayaa caasimad ahaanshaha Muqdisho.
Magaalada Muqdisho oo ah
Caasimada rasmiga ah ee Soomaaliya ayaa soo martay waayo badan oo mugdi ah
waxaana hubaal ah iney ku caanbaxday waxyaabo badan oo aysan jeclaysan
mawaadiniin badan oo Soomaaliyeed oo ay uurkutaalo ku reebtay dhibaatooyinkaas
waxaana xiligan muuqda in wajigii wanaagsanaa ee magaalada Muqdisho uu xiligan
dib u soo noolaanayo waxaana Muqdisho ka socda dib usoo celinta
astaamihii Muqdisho loogu xishay caasimada dalka Soomaaliya.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com