Dhalinyaro Fagaare lagu Dal dalay kadib markii Danbi Ay Sameeyeen Ku Baahiyeen You Tube-ka(Daawo Sawirada)

Friday, January 25, 20130 comments


Xukuumada Iiraan ayaa xukun del delaad ah ku fulisay laba dhalinyaro ah oo shabakada Youtube ku baahiyay, muuqaal fidiyow ah oo muujinaya, nin ay garaacayaan oo xoogna ay kaga qaateen waxyaabo uu sitay, muuqaalkaas oo markii lagu baahiyay internet-ka dalkaas ka abuuray xiisad iyo cadho dadweynuhu kaga jawaabeen.

Dhalinyaradan oo lagu kala magacaabi jiray, Alireza Mafiha iyo Mohammad Ali Sarvari, ayaa la sheegay in da?doodu ahayd afar iyo labaatan jiro, kuwaas oo maalintii axadii lagu del delay fagaare la soo buux dhaafiyay oo ku yaala magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iiraan.

Sidoo kale waxa iyagana min toban sanadood oo xadhig ah iyo afar iyo todobaatan jeedal lagu xukumay midkiiba, labo ruux oo kale oo lagu eedeeyay inay ka caawiyeen anshax xumadaas ay kula kaceen dhibanahaas lagu garaacay jidka badhtankiisa ee haddana muuqaalkii laga duubay lagu baahiyay shabakada youtube.

Wakaalada wararka ardayda Iiraan oo baahisay sawirada iyo fulinta xukunkaas lagu fuliyay afarta dhalinyarada ah, ayaa sheegtay in maxkamada sare ee kacaanka Islaamiga dalka Iiraan ay xukunkan ku riday dhalinyaradaas iyada oo u cuskatay xad gudub iyo gabood fal ka dhan ah shareecada Islaamka oo ay kula kaceen dhibanaha.

Bishii December ee aynu soo dhaafnay ayay ahayd sida wakaaladu sheegtay markii dhalinyaradaasi ay muuqaalka galaaftay naftooda ku baahiyeen Youtube, wakhtigaas oo sirdoonka iyo ciidamada daba galka danbiyada ee dalkaasi balan ku qaadeen inay sharciga hor keeni doonaan danbiilayaashaas.

Nimankan ayaa del delaadooda loo adeegsaday qalabka waxyaabaha cul culus lagu qaado ee wiishashka, halkaas oo inta xadhig qoorta loo sudhay ka dibna kor loogu del delay, waxa goobtaas oo lagu magacaabo beerta qaranka ee Tehran isugu soo baxay kumayaal qof oo daawanayay, halka dadka badankooduna ay telefoonadooda gacanta ku duubayeen sidii del delaada dhalinyaradaasi u dhacday.

Dalka Iiraan ayaa waxa uu ka mid yahay waddamada faro ku tiriska ah dunida ee ilaa wali ku dhaqma xukunka deldelaada, taas oo ay jirto kala qaybsanaan culimada iyo dadka arrimaha sharciga iyo garsoorku ka qabaan sida del delaadu u waafaqsan tahay shareecada Islaamka oo jidaynaysa in deg deg nafta looga qaado oo looga raaxeeyo wax kasta oo la dilayo, dad iyo duunyo intaba.







W/Q: Abdihakim awke tarabi (Karoone)
Xafiiska Shabakada Newbanaadir.com
Indonesia  Jakarta
Newbanaadir@hotmail.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog